Qiimaha tikidhada duulimaadyada dalka gudihiisa oo laga cabsi qabo inuu sare u kaco

https://www.jowhar.com/wp-content/uploads/2020/12/diyaaradaha.jpg

Warar xog ogaal ah oo laga soo xigtay shirkadaha duulimaadyada Soomaaliya ee ka howlgala dalka gudihiisa ayaa waxay sheegayaan in shirkadihii laga soo kireysan jiray diyaaradaha ka shaqeeya dalka Soomaaliya gudihiisa ee fadhigooda yahay Kenya ay go’aansadeen inay kordhiyaan sicirka qiimaha looga soo kiraysan jiray diyaaradaha.

Wararka ayaa sheegaya qiima kordhintu ay bilaaban doonto horraanta sanadka cusub ee 2021, haddii ay arrintan dhacdana ay saamayn baaxad wayn ku yeelan doonto isku socodka duulimaanyada ee dalka gudihiisa, taasoo loo sababeynayo dhaqaala xumadii ka dhalatay cudurka Coronavirus oo aanay dadka rakaabka ahi aysan awoodin qiimo kordhin cusub.

Sidoo kale waxaa la sheegayaa inay jiraan Ganacsato qaar doonaya inay faa’iidaystaan xiisadda siyaasadeed ee ka dhex aloosantay Soomaaliya iyo Kenya, kuwaas oo qorsheeyay inay ka sameeyaan faa’iido deg deg ah.

Khubarada arrimaha duulimaadyada diyaaradaha isaga goosha dalka Soomaaliya gudihiisa ayaa ka digaya qiima kordhinta cusub, iyagoo sheegay, inay sababayso in diyaarado badan ay suuqa ka baxaan, dadkuna ay u bedelan doonaan inay baabuur isaga gooshaan isku socodka dalka gudihiisa, inkastoo sababo ammaan ay jirto.

Qiimaha hadda ee duulimaadyada dalka gudihiisa la isaga goosho ayaa ah $120 doolar inta badan gobolada dalka, iyadoo halka ugu fogna qiimuhu yahay sida Garoowe $160, Doolow iyo Dhooblayna uu gaarayo $150 ilaa $160 doolar.

Waxaa hadda dalka Soomaaliya gudihiisa duulimaadyo ka sameeya maalin kasta ugu yaraan 7 diyaaradood oo ganacsato Soomaaliyeed ay ka soo kiraysteen dalka Kenya, kuwaasoo ruqsad ka heysta Hey’adda duulimaadyada Soomaaliya.

Saddexda shirkadood ee ugu waawayn ee laga soo kiraysto diyaaradaha, ayaa kala ah Jetways, Paf, iyo Silver Stone, kuwaasoo iyagana ruqsad ka haysta Soomaaliya.

Xaaladdan ayaa waxa ay ku soo beegantay xilli ay dalka soomaaliya ka jirto Dhaqaalo xumi ka dhalatay xanuunka Coronavirus, si gaar ahna u saamaysay ganacsiga la xiriira isku socodka duulimaadyada dalka gudihiisa.