Wasiirka Wasaaradda Kalluumeysiga Puntland oo is casilay

https://www.jowhar.com/wp-content/uploads/2020/12/wasiir.jpg

Wasiirkii Wasaaradda Kalluumeysiga iyo Khayraadka Badda ee Maamul Goboleedka Puntland Maxamuud Xaaji Saalax ayaa sheegay inuu iska casilay xilkii Wasiirnimo ee Maamulka Puntland.

Qoraal uu soo saaray Maxamuud Xaaji ayuu ku macneeyay sababta uu isku casilay inay tahay kadib markii is faham waa xagga shaqada ah uu kala kulmay Madaxweyne Saciid Cabdullaahi Deni.

Hase yeeshee wasiirka ayaan sheegin nooca isfahmwaa ee u dhexeeyay isaga iyo Madaxweyne Deni.

Halkan hoose ka aqriso qoraalka is casilaada ee wasiirka