Xasan Sheekh “Waxaa ka tagay xafiiska dalalka muhiimka noo ah annagoo cilaaqaad la leh”

https://www.jowhar.com/wp-content/uploads/2020/11/xasan.jpg

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo xalay ka qeyb galay barnaamij dood ah oo halku dhiggiisu yahay Diblomaasiyadda iyo doorashooyinka oo lagu falanqeynayay qaabka ay dowladda hadda jirta u maareyso siyaasadda arrimaha dibadda.

“2017 aniga xafiiska waxaa ka tagay anagoo dal aan cadow nahay oo nala diririsan aanu jirin, waxaan ka tagay dalalka muhiimka noo ah oo dhan anagoo cilaaqaad la leh oo safiiro dalkooda ka socda noo joogaan, safiirana anaga noo jiraan sidaas daraadeed waa dareemi kartaa maanta dalalka istiraatiijiga cilaaqadeed aan la leenahay waa Itoobiya iyo Eritrea, waana siyaasadda dowladeena waaye”ayuu yiri Xasan Sheekh.

Waxaa uu sheegay in aanay jirin dagaal weyn oo uga yimid dowladda Sacuudiga iyo Masar, sidaas darteed iyadoo dalalka is hayay ay wada joogeen, iskuna hayeen.

“Dagaal weyn oo Sacuudiga nooga yimid ama Masar nooga yimid ma jirin,   Masar iyo Itoobiya waa isku heysteen wabiga Nile waana joogeen labadooda cilaaqaad ayaa la laheyn, labadooda cilaaqaadka ma lumin Sacuudiga sidoo kale, Qatar iyo Imaaraad waligood cilaaqaadkooda boqolkiiba boqol ma aheyn, iskuma aanan heysan, waxay u baahan tahay inaan ku dhex milmin waxyaabaha qaarkood oo aan u muuqan in aan lakala safanahay”ayuu yiri Xasan Sheekh.

Waxaa uu sheegay in haatan aanay Soomaaliya safiiro u joogin Masar, Ururka Jaamacadda Carabta, Sacuudiga, Imaaraadka Carabta iyo kuwa kale, taasna wuxuu ku sababeeyay maareyn la’aanta dowladda ee dhinaca siyaasadda arrimaha dibadda.

Mar uu ka hadlayay arrinta Jubbaland ayuu xusay in xilligii dowladdiisa iyo Kenya ay ku kala aragti duwanaayeen, balse arrinta Jubbaland aysan kala heshiin Kenya oo ay reer Jubbaland kala heshiiyeen sida uu hadalka u dhigay.

“Kenya iyo anaga qadiyadaha ugu waa weyn ayaa na dhex yiilay, Kenya anaga Jubbaland waa ku kala aragti duwaneyn, laakiin Jubbaland anaga Kenya kalama heshiinin, waxaa kala heshiinay Jubbaland iyo dadka reer Jubbaland, Kenya iyo anaga qadiyada weyn oo la garanaaayo oo badda na dhex taalay, laakiin waligeen cilaaqaadkeena mana kala go’in, mana ciriirin,  waa in mar walba xasaasiyad la ilaaliya”ayuu yiri Xasan Sheekh.

Dowladda uu hoggaamiyo Madaxweyne Farmaajo ayaa lagu dhaliilaa inay lumisay cilaaqaadka wadamo dhowr ah oo muhiim u ahaa Soomaaliya, iyadoo dano gaar ah fiirsaneysay, inkastoo Soomaaliya mowqif dhex dhexaad ah ka qaadatay khilaafkii dalalka Khaliijka, haddana waxaa soo baxayay calaamado muujinayay inay u janjeerto Qatar.